Wasiirka xafiiska baneeyey ee Arrimaha Dibedda, jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa BBC-da uga warbixiyay heshiiskii is afgaradka ahaa ee xukuumaddii madaxweyne Biixi ay la gashay Itoobiya iyo halka ay ku danbaysay xilli Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay heshiis ka gaareen arrinkaas.
Dr. Ciise-Kayd ayaa sheegay in nuqulladii heshiiskaas ay ku wareejinayaan xukuumadda cusub ee uu soo dhisay madaxweyne Cirro si halkaas ay uga sii ambaqaadaan dhamaystirka heshiiska.
“Heshiiskaas waxa uu quseynayay qiyamka dalka iyo umadda Somaliland, mana ahan wax si dhibyar u dhamaaday, isfahankii waa la saxiixay khubaro labada dhan ah ayaa shaqaynayay, waxyaabihii markii hore la saxiixay ayaa isku hagaajin u baahan, sidii labada dal iyo labada dadba uu ugu cuntami lahaa ayaynu ka shaqeenaynay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee xafiiska baneeyey ee Somaliland.
Waxa uu intaa ku daray in isfahanka oo la doonayay in labada dhinacba ay ka faa’iidaan uu yahay mid dan ay ugu wada jirto, ayna haystaan sharciyad adag oo heshiiskaas ah aysanna jirin wax caqabad ah oo ku hor gudban.
“Ma jiraan wax caqabad ah oo ku hor gudban heshiiskaas, annaga iyo Itoobiya xiriirkeenii sidii hore weeye, ka shaqaynta MOU-gaas iyo xeerarkii ku yaalay heshiisyadii iyo waxyaabaha aan u baahanahay inay ka muuqdaan ayuun baa la iskugu noqnoqonayay” ayuu yiri Ciise Kayd.
Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in warqadaha heshiiskaas ay wasaaraddiisa ku wareejisay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyo xukuumaddiisa.
“Waxaan ku wareejinay madaxweyne Cirro iyo xukuumaddiisa oo halkaas ka sii ambaqaadi doona iyaguna waxa ay is yiraahdaan ama ka badali doona ama ku kordhin doona,” ayuu raaciyay.
Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland uusan khusayn wada xaajoodkii todobaadkii hore dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara uuna dhex dhexaad ka ahaa madaxweyne Erdogan.
“Kulankaas nama quseeyo Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ay ku heshiiyeen ama aysan ku heshiin anaga nama quseeyo, dal xor ah ayaan nahay, aayahiisa ka tashada, oo baddiisa aan looga talin karin,” ayuu yiri Ciise Kayd.
Dr. Ciise Kayd waxa uu xusay in aanay waxba ka jirin hadalka uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ah in Itoobiya ay ka laabatay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya dhex maray.
“Madaxbannaanida Soomaaliya waa wax u gaar ah anaga Somaliland ayaa nahay, marka Muqdisho ayaga xor ha ka noqdaan argagaxisada, marnaba awood umaleh in uu ka taliyo ama uu sheegto badda iyo dhulka Somaliland,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda xafiiska sii banaynaya ee Somaliland.
Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in tan iyo markii ay Itoobiya la saxiixdeen is afgaradka ay wada xiriirayeen meel fiicanna wax u marayaan.
“Had iyo jeer waanu ka xiriirnaa arimahaas, si joogto ah ayaan uga xiriirnaa in la sii adkeeyo oo laga sii wada hadlo, oo la sii wado, dowladda cusub ee madaxweyne Cirrana uu halkaasi ka sii ambaqaado,” ayuu raaciyay.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo hadlay kadib heshiiskii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland kaas oo dad badan shaki geliyeen halka uu ku danbeeyay.
“Dabcan waxaa muuqata in si khalad ah loo fahmay warsaxaafadeedka, waxaa ku qorneyd in dhamaanba laga tagay wixii hore taas oo muujineysa in uusan jirin heshiis hore”, ayuu yiri wasiirka warfafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.
Socdaalka Erdogan ee geeska Afrika.
Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Racep Tayyip Erdogan uu booqan doono dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya horraanta sannadka soo socda. Weli lama sheegin taariikhda ay ku aaddan tahay booqashadiisa.
Haddaba maxaa lagu micnayn karaa socdaalka uu Erdogan ku imaanayo geeska Afrika?
Sannadihii u dambeeyey Turkigu wuxuu aad u kordhiyey galaangalkiis qaaradda Afrika, meelaha aadka looga dheehan karana waxaa ka mid ah Soomaaliya oo dano kala duwan ay isku qabaan.
Albaabada ganacsiga ee labada dal ayaa si weyn u furmay tan iyo markii uu Erdogan booqashadiisii ugu horreysay ku tegey Muqdisho 2011. Shirkadaha Turkiga ayaa bilaabay inay maalgashadaan Soomaaliya, qaarkoodna waxay heleen qandaraasyo heer sare ah oo ay ku maamulayaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Dhanka kale, ganacstao badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo ka furtay Turkiga, boqollaal kalena Tukriga ayay ka dhigteen hoyga waxbarashada sare iyo caafimaadka.
Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa noqotay albaabka uu Turkigu ka galayo Bariga Afrika iyo dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.
Dhanka Itoobiya dano ganacsi ayey labada dalba wadaagaan, ayadoo dhanka milaterigana ay Itoobiya ka heshay qalab ay ka mid yihiin dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Turkigu sameeyo, kuwaasoo qayb weyn ka noqday guusha ay xukuumadda Abiy Axmed ka gaartay dagaalkii ay kula jirtay TPLF.
Waxaa kale oo ganacsiga Turkiga iyo Itoobiya ka faa’iiday oo fursado shaqo ka helay dad lagu qiyaasay ilaa 30,000 oo qof oo Itoobiyaan ah.
Socdaalka Erdogan ayaa loo arkaa mid uu danaha istaraatijiyadeed ee dalkiisa ku badbaadinayo maadaama laabada dalba ay dalkiisa xiriir la leeyihiin, xasiloonidooda iyo heshiiskoodana uu Turkigu ka faa’iidayo.