HomeWorldGoorma ayaa la heli karaa natiijada sahminta shidaalka goorma ayeyse Soomaaliya shidaal...

Goorma ayaa la heli karaa natiijada sahminta shidaalka goorma ayeyse Soomaaliya shidaal heli kartaa? – BBC News Somali

Date:

Related stories

spot_imgspot_img

Xigashada Sawirka, Getty Images

  • Author, Foos Ciid
  • Role, Wariye

Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal.

Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.

Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya.

Haddaba maxan ka ognahay markabkan Oruc Reis?

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img