Duqeymaha cirka ee Turkiga ka wadaan waqooyiga bari ee dalka Suuriya oo ay abaaruhu ku dhufteen ayaa sababy in ay go’aan korontadii iyo biyihii ay heli jireen in ka badan hal milyan oo qof, arrintaas oo ay khubaradu sheegeen in laga yaabo inay xadgudub ku tahay sharciga caalamiga ah.
Turkiga ayaa qaaday in ka badan 100 weerar intii u dhaxeysay bilihii Oktoobar 2019 ilaa January 2024 , weerarradaas oo lagu qaaday goobaha saliidda, xarumaha gaaska iyo xarumaha korontada ee maamulka Kurdiyiinta ee Waqooyiga iyo Bariga Suuriya (AANES), sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay BBC World Service.
Weeraradu ayaa sii kordhiyay dhibaatada bini’aadannimo ee ka jirta gobol ay ka socdaan dagaalo sokeeye oo sanado badan socday iyo afar sano oo abaaro ba’an oo ay uga sii dartay isbadalka cimilada.
Biyaha ayaa markii horreba yaraa, laakiin weerarradii lagu qaaday kaabayaasha korantada bishii Oktoobar ayaa damiyay korontada saldhigga ugu weyn ee biyaha gobolka, ee Alouk, tan iyo markaas ma uusan shaqaynayn. Laba booqasho oo ay halkaas ku tagtay, BBC-du waxay goobjoog ka ahayd dad la tacaalaya sidii ay biyo u heli lahaayeen.
Turkiga ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday “ilaha dhaqaalaha iyo kaabayaasha” kooxaha gooni u goosadka Kurdiyiinta oo uu u arko argagixiso.
Turkiga ayaa sheegay in la wada ogsoon yahay in deegaanka ay ka jirto abaar, waxaana uu intaas ku daray in biyo la’aanta iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo la dayacay ay sii kordhisay.
AANES ayaa hore ugu eedeeyay Turkiga inay doonayaan inay “burburiyaan jiritaanka dadkooda”.
In ka badan hal milyan oo qof oo ku nool gobolka Hassakeh oo mar biyaha ka heli jiray Alouk ayaa hadda ku tiirsan biya laga keenbo meel u jirta 12 mayl (20km).
Boqolaal boyada ah ayaa la gaarsiiyaa maalin kasta, iyadoo guddigga biyaha ay mudnaanta siinayaan iskuulada, xarumaha agoomaha, isbitaallada, iyo kuwa ugu baahida badan. Laakiin keenista biyaha kuma filna qof walba.
Magaalada Hassakeh, BBC-du waxay jooga dad sugaya booyadaha, oo ka codsanaya darawaliinta inay biyo siiyaan. “Biyaha halkan waa ka qaalisan yihiin dahabka,” ayuu yiri Ahmad al-Axmed, oo ah darawal booyadle ah. “Dadku waxay u baahan yihiin biyo badan. Waxa kaliya ee ay rabaan waa in aad biyo siisid.
Dadka qaarkiis waxay qireen inay ku dagaalameen biyaha, hal qof oo dumar ahna waxay ku hanjabtay: “Haddii isaga [darawalka booyada] aanu i siin biyo, waxaan daloolin doonaa taayirkiisa.”
“Aan si run ah kuu sheego, waqooyi-bari Suuriya waxaa soo food saartay masiibo bini’aadantinimo,” ayuu yiri Yayha Ahmed, oo ah maamulaha guddiga biyaha magaalada.
Dhibaatooyinak lasoo dersay dadka ku nool gobolka ma aha kaliya dagaalka sokeeye ee ka socda Suuriya, laakiin sidoo kale waxa asaameyay dagaalka Turkiga uu kula jira xoogagga Kurdiyiinta ah, kuwaas oo aasaasay AANES 2018 kadib markii ay iyagoo taageero ka helaya isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ay ka saareen Dawladda Islaamiga ah ( IS) koox aan ka imaan gobolka. Ciidamada isbaheysiga ayaa wali halkaasi ku sugan si ay uga hortagaan in kooxda IS ay dib u soo laabato.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku tilmaamay AANES – oo aan si rasmi ah beesha caalamku u aqoonsan – “dawlad argagaxiso” oo ku xigta xuduudkeeda.
Dowlada Turkiga ayaa u aragta maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ah awooda militariga ugu weyn halkaasi in ay yihiin is ballaarinta kooxda fallaagada ee xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK), kuwaas oo u dagaalamayey ismaamulka Kurdida ee Turkiga muddo tobanaan sano ah.
Turkiga, Midowga Yurub, UK iyo Maraykanka ayaa u aqoonsan PKK in uu yihiin urur argagixiso.
Intii u dhaxaysay Oktoobar 2023 iyo Janaayo 2024, xarumaha gudbiya korontada ee saddex goobood oo AANES ah ayaa la duqeeyay: Amouda, Qamishli, iyo Darbasiyah, iyo sidoo kale warshadda korontada ee gobolka, Swadiyah.
BBC-da ayaa xaqiijisay khasaaraha iyadoo adeegsatay sawiro lagu qaaday dayax-gacmeedka, muuqaallo ay qaadeen goob-joogayaal, warbixinno warar, iyo booqashooyin ay ku tagtay goobaha.
Sawirrada dayax-gacmeedka ee nalalk habeenkii ka hor iyo ka dib weerarradii Janaayo 2024 wayaa muujinahya koronto la’aan. “Janaayo 18-keedii…. koronto la’aan weyn ayaa ka jirtay gobolka,” ayuu yiri Ranjay Shrestha, saynisyahanka Nasa oo dib u eegay sawirka.
Cawaaqib xumida ka dhalatay colaadda waxaa u sii dheeraa isbeddelka cimilada.
Ilaa 2020, abaar dhanka beeraha ah oo aad u daran oo aan caadi ahayn ayaa ku habsatay waqooyi-bari Suuriya iyo qaybo ka mid ah Ciraaq.
70kii sano ee la soo dhaafay celceliska heerkulka dooxada webiga Tigris-Euphrates ayaa kor u kacay 2C (36F), marka loo eego xogta cimilada Yurub.
Webiga Khabour ayaa mar siin jiray Hassakeh biyo, laakiin heerarkoodu aad bay u hooseeyaan, waxaana dadka lagu qasbay inay u leexdaan saldhigga biyaha ee Alouk.
Laakiin 2019ki Turkigu wuxuu la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ras Al-Ain, halkaas oo ay ku taal Alouk, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo “aag nabdoon” si dalka looga ilaaliyo waxa uu ku tilmaamay weerarrada argagixisada.
Laba sano ka dib, Qaramada Midoobay waxay soo saartay walaac ku saabsan carqaladaynta soo noqnoqda ee biyaha ka imaanaya Alouk ilaa waqooyi-bari Suuriya, iyadoo sheegtay in biyaha la hakiyay ugu yaraan 19 jeer.
Bishii Febraayo 2024-kii warbixin ay daabaceen guddi madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ayaa lagu sheegay in weerarradii Oktoobar 2023 ee kaabayaasha korontada ay noqon karaan dambiyo dagaal sababtoo ah waxay dadka rayidka ah u diideen inay helaan biyo.
BBC-da ayaa waxyaabihii ay aragtay la wadaagtay qareenno caalami ah.
“Weerarada Turkiga ee kaabayaasha tamarta waxay saameyn xun ku yeesheen dadka rayidka ah,” ayuu yiri Aarif Abraham, oo ah qareen ka tirsan Doughty Street Chambers, isagoo raaciyay: “Tani waxay noqon kartaa xadgudub ba’an oo sharciga caalamiga ah.”
Patrick Kroker, oo ah qareen dambiyada caalamiga ah oo ka tirsan xarunta Yurub ee dastuurka iyo xuquuqul insaanka, ayaa sheegay in “calaamadaha muujinaya in sharciga caalamiga ah lagu xadgudbay halkan ay aad u xoogan yihiin oo ay tahay in ay baaraan hay’ad dacwad oogayaal ah”.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay “si buuxda u ixtiraamayso sharciga caalamiga ah”, iyada oo intaa ku dartay in warbixinta Qaramada Midoobay ee Febraayo 2024 aysan bixin “wax caddayn ah oo la taaban karo” oo ku saabsan “eedeymaheeda aan salka lahayn”.
Waxay ku eedaysay biyo la’aanta gobolka inay sabab u tahay isbedelka cimilada iyo “kaabayaasha biyaha oo muddo dheer la dayacay” dayactirkooda.