HomeWorldTurkiga oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya - Horseed Media

Turkiga oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya – Horseed Media

Date:

Related stories

Turkey fires pro-Kurdish mayors, citing ‘terrorism’ – DW – 11/23/2024

Two Turkish opposition mayors were removed from office, Ankara said...

Turkish government’s latest trustee appointments condemned as ‘national will theft’

The Peoples’ Equality and Democracy (DEM) Party has strongly...

Vigil for Dersim Municipality on its 2nd day

The vigil that started after Dersim co-mayor Cevdet Konak...

Co-Mayor of Hakkari sentenced to 9 years in prison

The final hearing of the lawsuit filed against Hakkari’s...
spot_imgspot_img

Published: November 4, 2024

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayey Shirka Turkiga iyo Afrika ee ka socda dalka Jabuuti ayaa sheegay in siyaasadda Turkiga ee Afrika ay tahay mid dhammaystiran, isla markaana siyaasaddu aanay ka koobnayn oo keliya dhinacyada dhaqaalaha, horumarka, waxbarashada bulshada, iyo caafimaadka, balse ay ku jirto iskaashiga amniga iyo dadaallada nabadda iyo xasilloonida.

“Anaga, Turkiga ahaan, waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u soo afjarno colaadaha ka jira gobollada aan xiriirka la leenahay,” Hakan Fidan ayaa u sheegay wariyeyaasha shir jaraa’id oo wadajir u qabteen shirweynihii saddexaad ee dib-u-eegista Wasiirrada ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Fidan oo sheegay in hannaankan ay Ankara soo bandhigtay si loo qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana heshiis lagu dhameeyo khilaafka, wuxuu yiri: “Laga soo bilaabo bishii Luulyo, saddex kulan ayaan la yeelanay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal (Itoobiya iyo Soomaaliya).

“Laba ka mid ah kuwan waxay ku sugnaayeen Ankara, midna New York, oo dhacay Julay, Agoosto iyo Sebtembar. Hadda waxaan leennahay aragti horumarsan iyo qaab dhismeed, waxaanan ku dadaaleynaa in lagu waafajiyo baahiyaha,” ayuu raaciyay.

Fidan ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid taariikhi ah iyo mid casri ah, isagoo ku nuux-nuuxsatay in labada mas’uul looga baahan yahay inay ka gudbaan culeysyada ka imaanaya xilliyadii hore, ayna qaataan go’aanno ku saleysan duruufaha jira.

Isagoo ka hadlayay in Turkiga uu ku dadaalayo sidii uu kaalin fudud uga qaadan lahaa arrimahan, wuxuu intaas ku daray: “Markaan u dhaadhacno nuxurka arrinka, waxaa loo baahan yahay in la aqoonsado madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, dhinaca kale Itoobiya waxay u baahan tahay inay galaangal u yeelato badda si looga ganacsado iyadoo loo marayo hab nabadeed.”

Fidan ayaa sheegay in Itoobiya ay ku nool yihiin dad aad u badan oo aan si toos ah u marin badda waxayna iftiimisay in ganacsiga loo maro marinnada badda, taasoo ka dhigaysa marinka badda lama huraan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay in si shuruud la’aan ah loo aqoonsado madax banaanideeda iyo dhulkeeda, waxaana uu xusay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu meel mariyo qorshe ku saleysan mabaadi’daas.

Horseed Media

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories

spot_img